Wednesday, April 22, 2026
30 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay & Daddaallo lagu raadinayo cidda R/Wasaaraha cusub noqoneysa

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Caasimadda Muqdisho ka socda daddaallada lagu raadinayo xilka ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana Madaxweynaha cusub ee la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu qaabilay saacaddihii la soo dhaafay siyaasiyiin qaarkood si weyn looga yaqaano siyaasadda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa wali ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo warramaya in uu dhankiisa waddo daddaallo ku aadan sidii xilkaasi uu mari lahaa dhanka maamulka Puntland.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii doortay Xasan Sheekh Maxamuud ee ololihiisa hormuudka u ahaa dhankooda wadda shaqsiyaad ay u arkaan in ay yihiin kuwo u qalma in ay noqdaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu soo warramaya in dhankiisa wali uusan qaadan go’aan ku aadan cida noqonaysa ra’isul wasaaraha, waxaana sanadkaan Jubbaland ay dadaal ugu jirta qof dhankeeda ka socda uu noqdo ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeyn, madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ayaa xilka la wareegi doona maalinta isniinta ah ee soo socota, ka dibna 30 maalmood guhahood ayuu ku dhawaaqi doona Ra’iisul wasaaraha cusub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...