Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dad lagu rasaaseeyay magaalada Jigjiga oo dhimasho iyo dhaawac sababay

Magaalada Jigjiga

Jigjiga (Halqaran.com) – Waxaa faah faahin ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dad maanta bannaanbax ka dhigay Magaalada Jigjiga, oo ay rasaasta nool nool u adeegsadeen ciidamada ammaanka.

Dadka reer Jigjiga ayaa waxay warqad ogolaansho ah ka haysteen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan saddexdii Masaajid ee maalmo ka hor lagu gubay Magaalada Motta ee dalkaasi Itoobiya.

Madaxa Amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdicaadil Xasan Cabdi ayaa sheegay in dadkaasi ay si nabdoon bannaabaxa u qabteen, balse markii laga soo dareeray ay dad qaswadayaal ahi isa soo abaabuuleen, ayna damceen inay gubaan Labada Kaniisad ee ku yaala Magaalada Jigjiga, ha yeeshee laga hortagay.

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta ayaa wuxuu qiray in hay’adaha ammaanka ay rasaasta nool nool u adeegsadeen waxa uu ugu yeeray qaswadayaasha, waxyeelo kala duwana ay ka soo gaartay. Sida uu sheegay hal qof ayaa rasaastaasi ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacantay.

Qaswadayaasha ayaa wuxuu ku eedeeyay inay ka masuul ahaayeen rabshadihii maanta ka dhacay Magaalada Jigjiga, ayna garanayan meesha ay jooggaan, gacantana ay ku soo dhigi doonaan.

Cabdicaadil Xasan ayaa shacabka reer Jigjiga ka codsaday inay arrintaasi kala shaqeeyan xoogaga amniga, si looga dhex qabto kuwa rabshadaha ka maleygaya magaaladooda, sida uu yiri.

Rabshadahan oo laga hadalhayo Magaalada Jigjiga ayaan saamayn weyn ku yeelan goobaha ganacsiga ee magaaladaasi ku yaala.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...