Wararkii ugu dambeeyay dad lagu rasaaseeyay magaalada Jigjiga oo dhimasho iyo dhaawac sababay

Magaalada Jigjiga
Magaalada Jigjiga

Jigjiga (Halqaran.com) – Waxaa faah faahin ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dad maanta bannaanbax ka dhigay Magaalada Jigjiga, oo ay rasaasta nool nool u adeegsadeen ciidamada ammaanka.

Dadka reer Jigjiga ayaa waxay warqad ogolaansho ah ka haysteen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan saddexdii Masaajid ee maalmo ka hor lagu gubay Magaalada Motta ee dalkaasi Itoobiya.

Madaxa Amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdicaadil Xasan Cabdi ayaa sheegay in dadkaasi ay si nabdoon bannaabaxa u qabteen, balse markii laga soo dareeray ay dad qaswadayaal ahi isa soo abaabuuleen, ayna damceen inay gubaan Labada Kaniisad ee ku yaala Magaalada Jigjiga, ha yeeshee laga hortagay.

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta ayaa wuxuu qiray in hay’adaha ammaanka ay rasaasta nool nool u adeegsadeen waxa uu ugu yeeray qaswadayaasha, waxyeelo kala duwana ay ka soo gaartay. Sida uu sheegay hal qof ayaa rasaastaasi ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacantay.

Qaswadayaasha ayaa wuxuu ku eedeeyay inay ka masuul ahaayeen rabshadihii maanta ka dhacay Magaalada Jigjiga, ayna garanayan meesha ay jooggaan, gacantana ay ku soo dhigi doonaan.

Cabdicaadil Xasan ayaa shacabka reer Jigjiga ka codsaday inay arrintaasi kala shaqeeyan xoogaga amniga, si looga dhex qabto kuwa rabshadaha ka maleygaya magaaladooda, sida uu yiri.

Rabshadahan oo laga hadalhayo Magaalada Jigjiga ayaan saamayn weyn ku yeelan goobaha ganacsiga ee magaaladaasi ku yaala.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com