Sunday, April 19, 2026
29 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay daad-gureynta weli ka socota Afghanistan

Kabul (Halqaran.com) – Diyaarado siday boqolaal qof oo laga soo daadgureeyay Kabul ayaa gaaray wadamada Ingiriiska iyo Jarmalka iyadoo waddamada reer Galbeedka ay sare u qaadeen dadaallada lagu daadgureynaayo dadka ka cararaya xukunka maleeshida la wareegtay talada.

Inkastoo kooxda Daalibaan ay ballanqaaday xuquuqda haweenka, xorriyadda warbaahinta iyo cafis ay u fidiyeen saraakiisha Ciidamada Afghanistan.

Diyaaradda British Air Force oo ay la socdeen muwaadiniin British ah iyo shaqaalaha safaaradda ayaa ka degtay saldhigga cirka ee Oxfordshire, UK, halka dowladda Jarmalka ay kireysatay duulimaadkii Lufthansa oo siday 130 qof oo laga soo daadgureeyay magaalada Frankfurt ee Jarmalka.

Mareykanka ayaa sheegay in duulimaadyadiisa milateri ay Kabul ka daadgureeyeen Talaadadii 3,200 oo qof.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo qorshe ay ku soo dhaweyneyso ilaa 20,000 oo Qaxooti reer Afgaanistaan ​​ah, iyaga oo sheegay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan haweenka, iyo dadka nugul, sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxa Ingiriiska.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...