Monday, September 21, 2026
26.9 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo isaga baxay deegaanno ka tirsan Mudug & Wararkii ugu dambeeyay +SABAB!

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab /Sawir hore/

Xarardheere (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay isaga baxeen deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug, sida Saraakiil ay sheegeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Dowladda  u sheegay in maleshiyaadka Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaannada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay deegaannadaas duqeymo ka fuliyeen.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen, in ay halkaasi isaga carareen xubnihii Shabaabka ee joogay, kadib cabsi xoog leh oo soo wajahday.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa intaasi ku daray, in deeganadaasi iminka ay yihiin kuwa cidlo ah oo aysan jirin cid joogta.

Ilaa iyo hadda ma jirto ilo ka madax banaan Saraakiisha dowladda Federalka Soomaaliya oo xaqiijinaysa warka ku saabsan inay isaga baxeen deegaano ku yaallo Koonfurta Gobolka Mudug.

Ururka Al-Shabaab ayaa awood Militari waxa ay ku leeyihiin deeganada hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...