Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta tagay degmada Waajid ee G/Bakool

Waajid (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa isniintii maanta gaaray degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdi madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha degmada Waajid si weyn ugu soo dhoweeyay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee degmadaas.

Madaxweyne Laftagareen ayaa u tagay degmada Waajid sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladaha dadka ku nool degmada iyo baahiyaha ay qabaan,isagoo goob fagaaro ah kala hadlay Bulshada Waajid soo dhoweyntiisa ka dib.

Inta uu madaxweyne Lafta gareen ku sugan degmada Waajid ayaa wuxuu kormeer ku sameyn doonaa xarumaha kala duwan ee maamulka degmada iyo kan gobolka,wuxuuna sidoo kale la fariisan doona Ururada Bulshada rayidka si uu u dhageysto baahiyaha ay qabaan dadka deegaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...