Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

CCWarsame oo weeraray ku qaaday Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed (Ogow Sababta)!

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan

Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir,  ayaa waxaa uu weeraray General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay inaanan Ciidanka Asluubta looga baahnayn nin il, lug iyo gacan la’, ayna taasi bedelkeeda u baahan yihiin dad lixaadkoodu uu kaamil yahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ay Madaxda Qaranka ka dhawrayan waxa ay ka yeeli doonaan waxa uu ugu yeeray ninka meel kaga dhacay dadka naafada ah.

“Haddii Wasiir waxbarasho xilka looga qaaday in uu jaamacadaha dalka dhaliilay, bal aan dhawro waxa ay madaxda dalku ka yeelaan ninka meel kaga dhacay dadka naafada ah.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa uu sheegay in iyadoo la ogyahay in la dalacsiiyay General Mahad Cabdiraxmaan isagoo dad xasuuqay aynaan hadana ka quusan doonin damiirka Madaxda Qaranka.

“Inkastoo ognahay in isagoo dad soo xasuuqay la dalacsiiyay, hadana waxaan is leenahay yaan laga quusan damiirkooda.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa warkaan ku sheegay qoraal uu soo badhigay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada ku wada xiriiraan ee Facebook.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...