Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Duqa Baledweyne oo ka hadashay dadka weli lagu la’yahay fatahaadaha Baledweyne

Duqa magaalada Baledweyne, Safiya Xasan Sheekh /Sawir hore.

Baledweyne (Halqaran.com) – Duqa Magaalada Baledweyne, Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale ayaa waxay maanta sheegtay inay jiraan dad lagu la’yahay fatahaadaha ka jira Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Duqa Baledweyne oo maanta Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inaanan nolol iyo geeri midna lagu hayn laba ka mid ah tobankii qof ee la waayay, markii ay doonida ku degtay fatahaadaha Magaalada Baledweyne, daba-yaaqadii bishii hore ee October.

Safiya Xasan ayaa sheegtay inkastoo aan weli gacanta lagu hayn dadkaasi ayay dhanka kale sheegtay in uu socdo hawlgalaha gurmadka ee lagu doonayo in meydadkaasi dadkaasi lagu soo helo.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa toddobaadkii hore sheegtay in lix iyo labaatan ruux ay ku dhinteen fatahaadaha Magaalada Baledweyne, tiro kalena ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay.

Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale, Duqa Magaalada Baledweyne ayaa waxay ka dhawaajisay in masiibo ay ka dhacday magaalada, taasoo saamayn ku yeelatay qoys kasta oo deganaa magaalada.

Sidoo kale, Duqa magaalada Baledweyne ayaa intaa ku dartay in dadka boqolaalka kun gaaraya ee ka barakacay fatahaadaha Webiga Shabelle ay weli u baahan yihiin garab iyo in la samata bixiyo oo loo gurmado.

In ka badan saddex boqol oo kun oo qof ayaa ku barakacay fatahaadaha Webiga Shabelle ee ku dhuftay Magaalada Baledweyne, kuwaa oo daruufo kala duwan ku wajahaya duleedyada magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...