Muqdisho (Halqaran.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta u socdaalaya Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Ujeedada ugu weyn ee socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Kenya ayaa waxaa uu yahay sidii uga qeyb geli lahaa Shirka caalamiga ah ee ICPD, kaas oo ka furmi doona Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Kenya waxaa ay kulamo gaar gaar ah ay la yeelan doonaan Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ICPD.
Wararka ayaa sheegaaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kulan gaar ah la yeelan doono dhiggiisa Kenya ee Uhuru Kenyatta.
Safarka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo shirka marti-gelineysa, ay weli ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay muranka badda, ayna dadka qaar u arkaan mid aan habbooneyn.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com