Wednesday, June 24, 2026
25.8 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Qofkii ugu horreeyay oo Cudurka Coronavirus ugu dhintay Muqdisho

 

Muqdisho (Halqaran.com) – Qofkii ugu horreeyay ayaa cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmi ah.

Waxaa lagu magacaabi jiray Shariif Maxamed oo 58-jir ahaa , waana aabaha dhalay agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif Maxamed.

Allaha u naxariistee Shariif ayaa ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay shaaciso inuu qabo Cudurka Coronavirus, kaasi oo ah qof aan dalka ka bixin, balse Magaalada gudaheeda ka soo qaaday xanuunkaan.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya wali si sax ah uma aysan xaqiijin kiiskaan dhimashada ee la xiriira Coronavirus, balse masuuliyiinta Wasaaradda ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintaan.

Magaalada Muqdisho kama jiro taxadar badan oo ku aadan ka hortagga xanuunkaan, waxaana xaaladda Magaalada ay tahay mid caadi ah, marka la fiiriyo isu socodka dadweynaha Magaalada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmai.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...