WAR CUSUB: Maxaa ka jira in Nin la socda mooto Bajaaj uu isku qarxiyay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Nin la socday mooto bajaaj laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa galabta isku qarxiyay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo la sheegay in keligii uun uu ku dhintay.

Ninkan ayaa waxaa la sheegay in uu isku qarxiyay xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, ka dib markii uu dhegaha ka fureystay amar ay siiyeen Ciidamada Dowladda , oo ku aadanaa in uu mootada joojiyo.

Maxamed C/laahi Tuulax, Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay mootada joojiyeen, balse uu ka dhego adeegay ninkii waday.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa tilmaamay qaraxaasi in uu ku dhintay oo qura ninkii mootada la socday, isla-markaana aanay jirin cid kale oo wax ku noqotay. Waxa uu intaa ku daray in qaraxaasi la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in mootada laga helay amaba lagu arkay bac ay ku jiraan dareyska Ciidamada Booliska, isagoo intaa ku daray in ay baarayan taarikada mooto bajaajta.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaana uu ku soo aadayaa, xilli saakay uu qarax ismiidaamin ah ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ee hubeysan dagaalkana kula jira Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka jira ayaa markasta ku mashquulsan, sidii ay gaysan lahaayen caqabad liddi ku ah horu-socodka dalka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com