Wednesday, July 15, 2026
25.4 C
Mogadishu

WAR XASAASI AH: JABHAD cusub oo ka dilaacay gobolka Awdal, una hub-aruursanaya Xukuumada Somaliland

Awdal (Halqaran.com) – Warar lagu kalsoon yahay oo goor-dhow soo gaaray mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya in Jabhad cusub ay ka dilaacday deegaanka Dilla ee gobolka Awda, kaasoo ka soo horjeeda xukuumadda Somaliland ee uu madaxweyne ka yahay Muuse Biixi Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya, in jabhadan ay gabaad ka dhiganayso deegaanadaasi, kuwaasoo wada dad urursi iyo dardargelin dagaallo ka dhan Xukuumadda Somaliland.

Jabhadan oo weli si rasmi ah loo ogeyn magaca iyo hal ku dhiga ay kula dagaallami doonaan xukuumada Somaliland, ayaa haddana waxa la dareemaya dardarta ay ka wadaan deegaankaasi.

Waxaa cabsi weyn laga qabaa in ay gacan saar hoose la leeyihiin Jabhada Korneyl Caare ee ka dagaallanta gobollada Bariga Somaliland.

Xog ay halayo Mareegta Halqaran.com, ayaa tibaaxeysa, in Jabhadan ay daba socoto mid horey uga jirtay gobolka Awdal, waxaana hoggaamin jiray Suldaan Wabar.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Suldan Wabar ayaa lagu soo warramayaa in uu iminka ku sugan yahay deegaan u dhow xuduudda gobolka Awdal ee Harawo, waxayna halkaasi ka wadaan rogaal celin xooggan oo ay dib ugu bilaabayaan dagaalkii ay kaga soo horjeedaa xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muddooyinkii dambe gobolka Awdal ayaa la daaladhacayay rabshado iyo amni darro baahsan oo ka jirtay gobolka.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...