Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

Wafdi ka socda DF Somaliya oo ka qeybgalay Shirka dhammeystirka Deyn-cafinta

Istanbul (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ay uga qeyb galayaan shirka dhammaystirka Deyn-Cafinta ee Soomaaliya iyo Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay IMF.

Shirka oo uu sidoo kale goojoog ka yahay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Duceele beyle ayaa inta uu socdo lagu lafa-guridoonnaa dib-u-habeynta Maaliyadda, iyo shaqooyinka muhiim ka u ah Horumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay kobcinta Dakhliga gudaha.

“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an ka guul-gaaridda Horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mistaqbalka wanaagsan ee Bulshada Soomaaliyeed ayuu yiri” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Gunaanudka shirka ayaa waxaa la filayaa in dhinacyada ay soo saaraan warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku lafa-gureyn shirka, sidoo kale mas’uuliyiinta ka socota Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda ka qeyb galeysa shirka

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...