Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wafdi ka socda beesha caalamka oo ku wajahan Kismaayo (Maxaa Cusub oo aadan Ogeyn?)

Kismaayo (Halqaran.com) – Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Kismaayo

James Swan iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay kulmaan, hoggaamiyaha Jubbalaan, Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan musharixiinta mucaaradka iyo xubno ka socda guddiga doorashada.

Booqashada Swan uu ku tagayo Kismaayo oo ah middii labaad ayaa kusoo beegantay xilli uu cirka isku sii shareeayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaamiyaha maamulkaas iyo isbahaysiga musharraxiinta mucaaradka ah.

Labada dhinac ee ku loollamaya siyaasadda maamulka ayaa iska babar dhisay laba baarlamaan oo mid walba uu sheegay in ay dooran doonaan hoggaanka cusub ee maamulka Jubbalaan yeelan doono.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay guul darreysteen dadaallo ay horkacaysay IGAD oo lagu dhex dhexaadinayay dhinacyada siyaasadda Kismaayo.

Guddiga doorashada ee Jubbalaan ee uu magacaabay maamulka Axmed Madoobe ayaa shalay soo saaray jadwal howleedka doorashada maamulkaas iyaga oo jadwalka ku sheegay in doorashada hoggaamiyaha Jubbalaan ay qabsoomi doonto 19-ka bishan.

Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa lagu eedeynayaa in baal mareen shuruucdii hufnaanta ee doorashada kuna xadgudbeen madaxbannaanida guddiga doorashada.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maamulka Jubbaland ku eedeeyay in uu caburin iyo cagajugleyn ku hayo hannaanka doorashada oo ay sheegeen in aanay ku kalsoonayn.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...