Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

Mid ka mid ah Musharraxiinta Jubbaland oo Digniin culus u diray Senatoro ka tirsan Aqalka Sare

Kismaayo (Halqaran.com) – Musharax Cabdi-Naasir Seeraar ayaa waxa uu si kulul u eedeeyay Senatarada qaar inay faragelin ku hayaan doorashada Jubbaland, Kadib markii shalay Magaalada Kismaayo ay gaareen Wafdi ka socda Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Aqalka Sare.

Musharrax Seeraar ayaa sheegay Senatarada qaar ee gaaray Magaalada Kismaayo inay halkaasi u tageen faragelinta doorashada Maamulka Jubbaland.

Waxa uu kaga digay Senataradaasi inay raad ku yeeshaan qalqalka iyo faragelinta ay ku hayaan doorashada Maamulka Jubbaland, waxaana uu sheegay in laga haboon yahay falkaasi ay sameynayaan.

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo Cumar Cabdi rashiid ayuu ku eedeeyay inay yihiin shaqsiyaadka sida tooska ah faragelinta ugu haayo arrimaha doorashooyinka Maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa hadda waxa ay ku jirtaa xaalad siyaasadeed oo adag, waxaana Guddiga doorashada ay soo hormariyeen waatigii ay dhici laheyd Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo jadwalka laga dhigay Maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa si wayn isha uga haayaa dhaq dhaqaaqeeda mucaaradka dowladda, inkastoo Axmed Madoobe uu iska adkeeyay xubno dowladda soo dirtay inay farageliyaan doorashada Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmai.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...