Baledweyne(Halqaran.com) – Waxaa Maanta xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo xalay dagaal xoogan oo khasaaro geeystay uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beleed.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in saaka wax rasaas ah aan laga maqleyn Kabxanleey oo xaalad ay degan tahay, hayeeshee labada maleeshiyaad ay isku hor-fadhiyaan deegaankaas, ayna ku kala sugan yihiin halka ay joogeen.
Warar la helayo ayaa sheegaya inay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu kala qaado maleeshiyo beeleedka Colaada dhexmartay, isla markaana heshiis la dhex dhigo, lana joojiyo dagaalka.
Dagaalkii xalay ka dhacay degaanka Kabxanleey ayaa wararka horudhaca ah ee la helay waxaa ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 5 ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, halka Maamulka Gobolka Hiiraan ay sheegeen inay Ciidamo u dirayaan degaannada lagu dagaalamay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





