Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Maxaa ka jira Wararka Sheegaya in Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya La Geeyay Ciidamo Hor Leh

Muqdisho(Halqaran.com) –  Ciidamo ka tirsan madaxtooyada gaar ahaan kuwa loo yaqaano Koofi Casta, ayaa la wareegtay guud ahaan amaanka xarunta wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo ay ku dhex yaalaan, TV-ga iyo Raadiyaha dowladda, ciidanka ayaa lagu soo waramayaa in ay degeyn  dhammaan Irdaha laga soo galo Wasaaradda iyaga oo dhammaan shaqaalaha iyo dadka u socda Wasaaradda weydiinaya Aqoonsi qofkii aan haysanna dib uga celinaya

 

Ciidamadaan koofis casta ayaa ka socda Xafiiska Madaxweynaha kuwaas oo wata gaadiidka dagaalka, lama oga sababta rasmigaa ee  ka dambeysa, iyagoo Ciidamada diidayo in aqoonsi la’aan la isuga gudbo gudaha wasaaradda, sida, dhismaha Raadiya iyo kan TV-ga oo sidoo kale ay ku yaalaan xarumaha madaxda wasaaradda.

Wallow Mid kamid ah howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta  uusheegayo Sababaha ugu weyn ee Ciidamada arintan u sameynayaan  ay tahay in ay gacanta ku dhigto Madaxtooyada meesha laga maamulo macluumaadka kusaabsan howlaha dowladda kuwaas oo ay kamid yihiin Telefeshinka Qaranka iyo Radio Muqdisho,, Waa sida uu Hadalka udhigaye.,,.

Sikastaba Ha ahaatee Waxaa jira mad madoow soo kala dhexgalay Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ka dhashay shaqo joojin uu ku sameeyay Mr Rooble Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimihii Hay’adda NISA.

Inkastoo xaaladda magaalada Muqdisho ay degan tahay, hadana waxaa taagan xiisado siyaasadeed, taasoo loo maleynayo in ay tahay mida soo dadajisay in Koofi Casta madaxtooyada ay abaaraan Warbaahinta dowladda qeybeheeda kala duwan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...