Garoowe (Halqaran.com) – Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ah Ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa ka qeybgalay Xafladda Shahaado-siinta Ururada Siyaasadda Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, ayaa u hambalyeeyay 10 Urur Siyaasadeed oo maanta shahaadada aqoonsiga la guddoonsiiyey.
Sidoo kale, wuxuu ku bogaadiyey shaqada ay qabteen Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland.
Dhammaan Masuuliyiintii iyo qeybihii kala duwana ee Bulshada ee ka hadlay kulanka, ayaa uga mahadceliyay Puntland inay xili hore ka dhabeysay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda.
Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku weheliyay Xafladda Madaxweyneyaashii hore ee maamulka Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga KGM ah ee Doorashooyinka Puntland, Madaxda Ururada Siyaasadda ee Shahaadooyinka la siiyey, Xafiiska Xuquuqul Insaanka, Ururada Bulshada, Haween iyo Dhallinyaro
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





