Thursday, May 28, 2026
26.9 C
Mogadishu

Update: Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay inay kordheen Kiisaska Karoona (Covid-19) ee Somaliya

Muqdisho (Halqaran.clom) – Wasaaradda caafimaadka XF Soomaaliya ayaa warbixinta maalin-laha ah ee xogta Fayruska Karoona ku sheegtay, in la diiwaan geliyay 100 xaalado cusub oo COVID-19 ah. 9 qof ayaana u geeriyootay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan-geliyay gobalka Banaadir (92), Jubbaland (4) Koonfur Galbeed (3) iyo Hirshabeelle (1), 63 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 37-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 5,373 waxaa bogsootay 3,750 Ruux. guud ahaan 163 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Dowladda Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Fayruska Karoona (Covid-19) ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada iyo Gobolka Banaadir ee la tacaalidda cudurka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...