Wednesday, May 6, 2026
28.5 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii khasaaraha ka dhashay ee ka dhacay G/Bakool

Xudur (Halqaran.com) –  Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaysa dagaal gaystay Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo duleedka Magaalada Xudur ku dhexmaray maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw deegaanka Abal, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada ay halkaasi ku leeyihiin.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Ururka Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen Khasaare inay ku gaarsiiyeen dagaalka.

Inkastoo Saraakiisha aysan tilmaamin Khasaaraha dhabta ah ee Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen dagaalkaasi, haddana waxa ay sheegeen kaliya inuu jiro Khasaare.

Si dhab ah looma oga waxa kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaana xaaladda goobihii lagu dagaalamay ay tahay mid degan.

Ururka Al-Shabaab ayaa weerara fariisimada Ciidamada dowladda & kuwa Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...