Wednesday, May 6, 2026
28.5 C
Mogadishu

Dhuusamareeb: Khamri tira badan iyo dadkii ka ganacsanayay oo gacanta lagu dhigay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska degmadaasi ay fuliyeen howlgal lagu soo qabtay khamri farabadan iyo dad ka Ganacsanayay.

Howlgal qorsheysnaa ayaa la sheegay in Ciidamada Booliska ka fuliyeen Xaafado bartilmaameed ahaa oo ku yaalla Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu sameyn jiray Khamriga laguna iibin jiray.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in saacadaha soo socda ay hay’adaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ay soo bandhigaan Khamriga,isla markaana meel fagaaro ah lagu burburiyo.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka dad lagu soo qabtay, kuwaas oo lagu eedeeynayo inay ka ganacsanayeen,isla markaana sharciga loo gudbin doono.

Qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa horay loogas ameeyey howlgallo kala duwan oo ka dhan ahaa Khamriga iyo dad ka Ganacsanayey, iyada oo inta badan dadkii loo soo qabtay la xukumay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...