Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Al-Shabaab oo la wareegay Saldhigyo ay ka baxeen ciidamada DF Soomaaliya!

Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta Saldhigyo Ciidamada dowladda ay baneeyeen oo ku yaallo Gobolka Shabellaha dhexe.

Saldhigyada Ciidamada dowladda ay ka baxeen ayaa la sheegay inay kala yihiin Ceelka geeloow iyo Raaxooy oo ku dhow deegaanka Qalimow.

Deegaanka Qalimow oo 30km dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Balcad ayaa ku yaalla bartamaha wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad,waxaana la sheegay in Ciidamadii ku sugnaa Aaga degaankaasi ay isaga baxeen.

Lama oga sabab rasmi ah oo ku aadan Ciidamada deeganadaasi, isaga baxay, balse Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta deeganadaasi.

Warbaahinta ku hadasha Afka maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen ciidamada deeganadaasi baneeyay inay uga baxeen halkaas cabsi ay ka qabaan weeraro kaga yimaada ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa culeys Militari oo xoog leh waxa ay saareen deegaanada Gobolka Shabellaha dhexe oo dhawr mar ay ku dileen masuuliyiin iyo Ciidan badan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...