Thursday, November 13, 2025
26.1 C
Mogadishu

UPDATE + VIDEO: Tirada Xaaladaha Covid-19 ee dalka laga diiwaan-gelinayo oo hoos u dhacay

Muqdisho (Halqaran.com) – La taliyaha sare ee COVID19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731.

Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween.

Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qofood oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qofood.

Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67.

Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa ku baaqay in lagu dadaalo kahor tagga iyo faafitaanka cudurka si loo yareeyo saameynta COVID19 uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...