Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

UPDATE: Taliska Booliska Soomaaliyeed oo bandow ku soo rogay Muqdisho +VIDEO

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa bandow ka bilaabanaya Caawa Fiidkii 9:00Pm kuna eg 12-ka subaxnimo ee isniinta soo socota ku soo rogoy shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, waxaana gabi ahaanba la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa go’aankaas ku dhawaaqay, iyadoo looga gol-leeyay sugida amniga doorashada madaxweynaha iyo in lagaga hortago falalka amni daro ee dhici kara.

‘‘Laga billaabo habeenka Sabtida oo caawa saddex saac waxaa la xiraayaa waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana dib loo furayaa 12-ka subaxnimo ee maalinta isniinta ah,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.

Maalinta Axadda oo berri ku beegan 15-ka Maay ayaa loo madlan yahay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 39-musharax, inkastoo mid ka mid ah musharaxiintaas uu tanaasulay.

Halka hoose ka daawo Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed:

https://www.facebook.com/watch/?v=680177623246991

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...