Monday, May 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Puntland oo xabsiga dhigtay Nabaddoon C/casiis Cabdi Baydhabood‚ ”Waa Nabaddoonkii 5-aad ee la xiro”!

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Boosaaso (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska Puntland ayaa gelinkii dambe ee Isniintii maanta xabsiga u taxaabeen Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood ka soo xireen hoyga uu ka degan yahay Magaalada Boosaaso, oo ku dhow Hotel Bulsho.

Ciidamada Booliska ayaa waxay ninkaasi ku xireen mid ka mid ah xarumaha laamaha amniga ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabo ayaa wuxuu ku biirayaa shanta Nabadoon ee maalmihii la soo dhaafay lagu xiray Magaalada Boosaaso iyo Siyaasiga Muuse Cali Jaamac.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay dhammaadkii toddobaadkii hore ay Magaalada Boosaaso ku yeesheen kulan ay ku dhaliileen Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Odayaasha ayaa waxay ka horyimaadeen heshiiska ay Puntland la gashay Shirkadda DP iyo heshiiska kale ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso loogu wareejiyay shirkad kale oo laga leeyahay Emirate-ka Carabta.

Ugu dambeyn, maamulka Puntland, kan Gobolka Bari iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin tallaabada lagu soo xiray Nabadoon Baydhabood oo noqonayo Nabadoonkii lixaad oo toddobaadkan lagu xiro Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...