Friday, June 19, 2026
27.6 C
Mogadishu

UPDATE: Puntland oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsan kooxda Daacish

Boosaaso (Halqaran.com) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maamulka Puntland ee loo yaqaano PSF ayaa waxaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen toga Miraale ee Gobolka Bari, halkaas oo la sheegay inay ku dileen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay wehlinayeen ciidamada Gaarka ah ee Marineska, isla markaana ay howlgalka ku dileen Afar Xubnood oo ka tirsan Kooxda Daacish.

Deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Toga Miraale ayaa qiyaastii 27 km dhanka Bari waxaa uu ka xigaa magaalada Boosaaso, waxaana saraakiisha ay sheegeen  in howlgaladooda ay noqon doonaan kuwa sii socda.

Howlgalka Ciidamada Puntland ay ka sameeyeen deegaano u dhow Boosaaso ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli howlgal dhawaan laga sameeyey Boosaaso lagu soo qabqabtay dad looga shakisan yahay Alshabaab iyo Daacish oo tiradoodu gaaraysay 57 Qof.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqaranneccws@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...