Monday, April 27, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Puntland oo ka hor-timid hadalkii guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni

Garowe (Halqaran.com) – Puntland ayaa ka soo horjeestay hadalkii Axaddii maanta kasoo yeeray guddiga doorashooyinka Qaranka ee lagu taageeray Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay labada Aqal horey u ansixiyeen, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu saxiixey.

Qoraal kooban oo kasoo baxey Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in hadalka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka uusan aheyn hadal lagu taageerayo Sharciga doorashooyinka ee horey loo ansixiyey, balse uu yahay mid lagu joojinayo dadaalada ay Puntland wado.

“Guddiga Doorashada DF Soomaaliya hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago war-saxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen ayaa lagu yiri” warka ka soo baxay Puntland.

Geesta kale, Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ah Siyaasiyiinta kasoo horjeestey hadalkii guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ee maanta ku sheegtay inay taageersan tahay ansixintii sharciga doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...