Tuesday, May 12, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday dalka Qadar oo geeriyooday & dhimashada oo…

Dooxa (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dooxda ee dalka Qadar, ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday dalkaasi uu geeriyooday.

Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa xaqiijisay in Maxamed Cusmaan Cali uu Sabtidii galabta uu ku geeriyooda Isbitaal ku yaalla magaalada Dooxa.

Marxuumkan oo dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii ismiidaaminta ee xarunta gobolka Banaadir ayaa xaaladdiisa caafimaad halkaasi lagula tacaalayay.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka Digfeer waxaa galabta ku geeriyooday agaasimihii xafiiska xoghayaha guud ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdalla Caaqil.

Agaasimihii xafiiska xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Marxuumkan wuxuu ka mid ahaa labo qof oo dhaawac halis ah qabay, oo ay dowladda Qadar sheegtay in aysan dalkeeda u qaadi karin xaaladdooda oo aad u liidatay.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...