Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Dowladda Masar oo Soomaaliya ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda dalka Masar ayaa ballan-qaadday in dowladda Soomaaliya ay ka gacansiinayso dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee kasoo horjeeda.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay in xukuumadda Masar ay mar walba barbar taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

”Masar waxay mar walba u heellantahay in dhiggooda Soomaaliya ay garab ku siiyaan dadaallada ay ku cirid tireyso xagjirnimada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale, Masar ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay ciddii ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa eel ala eegtay xarunta dowladda hoose ee Xamar kaasoo galaaftay nolosha masuuliyiin ka tirsan maamulkaas kuwa kale oo uu ku jiro duqa Muqdishana uu dhaawac kasoo gaaray.

Wasaaraddu iyada oo ka wakiil ah dowladda iyo shacabka Masaarida ayay tacsi u dirtay qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii weerarkaas ku geeriyooday iyaga oo caafimaad deg deg ahna u rajeeyay kuwa dhaawaca ah.

Weerarkii khamiistii aynu kasoo gudubnay lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar oo ay masuuliyaddiisa sheegteen kooxda al-Shabaab ayaa sababay geeri iyo dhaawacyo soo gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...