Dowladda Masar oo Soomaaliya ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda dalka Masar ayaa ballan-qaadday in dowladda Soomaaliya ay ka gacansiinayso dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee kasoo horjeeda.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay in xukuumadda Masar ay mar walba barbar taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

”Masar waxay mar walba u heellantahay in dhiggooda Soomaaliya ay garab ku siiyaan dadaallada ay ku cirid tireyso xagjirnimada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale, Masar ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay ciddii ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa eel ala eegtay xarunta dowladda hoose ee Xamar kaasoo galaaftay nolosha masuuliyiin ka tirsan maamulkaas kuwa kale oo uu ku jiro duqa Muqdishana uu dhaawac kasoo gaaray.

Wasaaraddu iyada oo ka wakiil ah dowladda iyo shacabka Masaarida ayay tacsi u dirtay qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii weerarkaas ku geeriyooday iyaga oo caafimaad deg deg ahna u rajeeyay kuwa dhaawaca ah.

Weerarkii khamiistii aynu kasoo gudubnay lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar oo ay masuuliyaddiisa sheegteen kooxda al-Shabaab ayaa sababay geeri iyo dhaawacyo soo gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com