XOG HOOSE: DF Somaliya oo cabsi weyn soo food saartay iyo Mukhtaar Roobow oo Xabsi Guri la …

FILE PHOTO: Former al Shabaab leader Mukhtar Robow attends a news conference in Baidoa, Somalia, November 4, 2018. REUTERS/Feisal Omar/File Photo

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar hoose oo ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ku aadan in wadaadka Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), Afhayeenkii Hore ee Al-shabaabin laga dhigayo xabsi guri.

Qorshaha Dowladda oo ay ka fal-celiyeen xubnaha u olaleynaya sii deynta Roobow ayaa waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin talaabadaasi ay dowladda qaadeyso.

Xogta Halqaran.com ay heshay ayaa sheegaysa in ay dowladda Soomaaliya ka cabsi qabaan in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay beegsadaan Muqtaar Roobow, oo kamid ahaa aas-aasayaashii Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkaan oo siyaabo kala duwan uga hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxay mar kale ku celiyeen dalabkooda ahaa in lasii daayo Roobow.

Mukhtaar Roobow ayaa bishii December sanadkii hore laga soo xiray magaaadda Baydhabo, talaabo u muuqatay in looga horjoogsanayay ka qaybgalka doorashadii Koonfur Galbeed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.comĀ