Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya oo ka hor-timid in la xiro xerada qaxootiga Dhadhaab

Xerada qaxootiga ee Dhadhaab

Nairobi (Halqaran.com) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa diidday qorshe ay wadday Dowladda Kenya oo la xiriira in la xiro Xerada ugu weyn Adduunka ee ay qaxooti ku nool yihiin oo ah Dhadhaab.

Maxkamadda oo kiiskan dhegeysatay ayaa sheegtay in dad ka badan 200,000 qof ay ku noolyihiin xeradaas Soomaaliyana aysan ahayn meel lagu celin karo.

John Mativo,oo ah garsooraha bixiyay amarka ka dhanka ah go’aanka dowladda ayaa sheegay in Wasiirka amniga gudaha Kenya oo sameeyay ku tagrifal awoodeed kaddib markii uu amray in xeradaas la xiro.

Garsooraha ayaa ku dooday in amarka Wasiirka amniga gudaha Kenya aan lagala tashan dadka uu quseeyo sida dadka ku nool Dhadhaab iyo hay’adaha sharciga dalka Kenya.

Mativo, ayaa sidoo kale amarka Wasiirka ee lagu xirayay Xerada Dhadhaab ku tilmaamay mid takoor ah oo ka hor imanaya xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha waxaana uu ka soo qaaday waxba kama jiraan.

Dowladda Kenya ayaa ku doodday in Xerada Dhadhaab ay noqotay meel ay Al-shabaab ka abaabulaan weerarrada ka dhanka ah dadka Kenyaanka ah sidaas darteedna loo baahanyahay in Xeradaas guud ahaan Albaabada loo laabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...