Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

SAWIRRO: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Dooxa kulan kula yeeshay xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka

Dooxa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha 19-aad ee Dooxa.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.

Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...