DAAWO VIDEO: Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo qaadacay Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Deni

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa xalay daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), taasi oo lagu soo bandhigay jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland.

Arrimaha Doorashada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ka hadlay, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal.

Mr. Deni ayaa sheegay in marnaba aysan cadeyn hanaanka ay u dhaceyso doorashada la filaayo inay Somaliya ka dhacdo, loona baahnaa xilli hore inay cadaato Arrimaha doorashada ee qorshaha uu yahay dalka inay ka dhacdo.

Xafladda daah-furka qorshe-hawleedka (TPEC) Masuuliyiintii ka qeybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland hadana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Faroole, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Mudane, Siciid Xasan Shire, Goleyaasha kala duwan ee Dowladda, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’addaha taageera Dimuqraadiyadda, Xafiiska Difaacaha xaquuqul Insaanka ee Puntland, Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ururada Bulshada Rayidka ah , Ururka Warbaahinta Puntland, Haween iyo dhallinyaro.

Hoos ka daawo Muuqaalka Madaxweynaha Puntland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com