Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa gaashaanka ku dhufatay dalabkii Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dacwadda Badda ee kala dhaxeeysa Soomaaliya markii Afaraad.
Ra’iisul Wasaare ku-xigenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay in Maxkamadda ICJ ay si cad u shaacisay in aysan aqblayen in mar kale dacwadda dib loo dhigo, sidaas dareedeedana ay u diyaar garoobaan labada dal.
“ Maxkamadda waxa ay go’aan shalay ku gaaray in dhageysiga dacwadda oo ay horayna u muddeysay haseyeeshee Kenya ay codsatay in dib loo dhigo, in aan la aqbaleynin in markale dib loo dhigo. Sidaa daraaddeed dhinacyadu ay u soo diyaargaroobaan 15-19 bisha March ee inagu soo aaddan Insha allah‘‘ ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Mahdi Guuleed ayaa intaasi raaciyay in dowladda Soomaaliya dhinaceeda ay u diyar garoowday ka qeyb-galka qaadista Dacwadda, haddii looga qeyb-galayo Aalada Zoomka ee dhinaca Internet-ka ama Xubno loo dirayo Maxkamadda.
Ra’iisul Wasaare ku-xigenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku kalsoon tahay, waxana uu Shacabka ugu baaqay inay u so duceeyaan.
Ugu dambeyn, maalmo ka hor ayaa dowladda Kenya waxaa ay ka codsatay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ in markii Afaraad dib loo dhigo kiiska dacwadda Badda, hayeeshee DF Soomaliya ay Sabtida maanta sheegtay in Maxkamadda dalabkaas ay laashay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





