UPDATE: Maxaa ka soo baxay kulankii Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ku dhexmaray Villa Soomaaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho waxaa ku soo geba-gaboobay shir muddo saacado ah uga socday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo saddex saacadood qaatay ayaa waxaa uu ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadlayna waxaa ugu weynaa Doorashooyinka Dalka ee 2020/2021.

Waxaan jirin wax war ah oo laga soo saaray shirka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka ku dhex maray Aqalka Madaxtooyada ee dalka looga arrimiyo.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaranka ayaa waxaa uu xaqiijiyay in la soo gebagabeeyay shirka madaxda ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Mr. Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in goor dhow ay Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran la hadli doonaan Warbaahinta, si ay ula wadaagaan warbixin ku aadan shirkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee, ilaa iyo hadda si rasmi ah looga oga waxa ka soo baxay kulankaasi, walow ay dadku aad u boggaadinayaan in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay ka wada hadlaan arrimaha siyaasadda dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com