Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: Mashruuc ay saxiixday Dowladda Soomaaliya oo durba ka billowday deegaannada Somaliland, waa magaaladee?

Hargeysa (Halqaran.com) – Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in deegaanadeeda laga wado Mashruuc ay soo saxeexday dowlada federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ay wada saxeexeen mashruuca uu baanka horumarinta Afrika ka fulinayo Somaliland, kaasi oo ah wadada isku xidha magaalooyinka Borama iyo Lowyacado.

Wasiir Cabdilaahi Abokor oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri ”Mashruuca waxa Maalgelinaya Baanka Horumarinta Afrika, Mashruuca Hal-abuurkiisana waxa lahayd Dawladda Somaliland, waxaanu markii uu Madaxweynuhu Jabuuti tagay uu ka codsaday Madaxweynaha Jabuuti in Waddadaa (Boorama iyo Lowyacado) wax lagala qabto”.

Wuxuu kaloo yiri, ”Madaxweynaha Jabuuti wuu ka hawl-galay waxaanu Baanka Horumarinta Afrika ka codsaday in Waddadaa loo dhiso, waxa ka wada codsaday Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya, Dawladda Soomaaliyana markii dambe qayb ka noqotay, maaddaama oo aanay Somaliland ka mid ahayn Wasiirrada Maaliyadda Afrika ee saxeexa Mashaariicda”.

Sido kale, wuxuu hadalkiisa sii raacayay, ”Innaga Soomaaliya waxay inoola mid tahay Itoobiya ama Jabuuti oo kale, Mashruucaana waxa wada saxeexay Saddexdaa Dal, maaddaama oo aynaan innagu ka mid ahayn Baanka Horumarinta Afrika”.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh:



”Mashruucaa shaqadiisana Somaliland baa gacanta ku haysa, laakiin Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa wada saxeexay Mashruucaa, maaddaama oo ay qayb ka yihiin baanka Horumarinta Afrika”.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...