Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

UPDATE: Malaayiin Mareykan ah oo lagu Amray inay Guryahooda ka bixin

Gudoomiyaha Gobolka California

California (Halqaran.com) – Malaayiin Mareykan ah ayaa guryahooda ku sugan Sabtida maanta ah ka dib amar ay ka heleen mas’uuliyiinta gobolladooda iyo dowladaha hoose taasoo lagu amrayo ineysan guryahooda ka bixin.

Waxaa loo ogol yahay kaliya iney u baxaan arrimaha daruuriga ah sida iney tagi karaan farmashiyeyaasha, suuqyada waaweyn ee raashinka, iyo goobaha shidaalka lagu iibiyo.

Dadka degan gobollada California iyo New York ayaa lagu amray in ay gurigooda joogaan taasi oo looga dan leeyahay in lagu yareeyo faafitaanka COVID-19, oo ah cudur soo rita bukaano badan maalin kasta.

Dadka deggan gobolka Illinois ayaa gelinka danbe ee maanta oo Sabti ah bilaabi doona hergelinta amarka ah iney guryahooda joogaan.

Tirada guud ee dunida oo dhan ee cudurka COVID-19 ayaa maanta oo Sabti ah mareysa 275 kun oo kiis sida ay ku warameyso xarunta la socodka Coronavirus u qaabilsan Jaamacadda Johns Hopkins.

Gobollada New Jersey iyo Oregon ayaa laga yaabaa iney iyana soo saaraan amarka dadka lagu amrayo inay guryahooda joogaan dagaalka lagula jiro viruska carqaladeeyay nolosha dunida oo dhan dartiis.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...