Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo qanciyay Odayaasha gobolka Bari ee ku kacsanaa

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jimcihii maanta Qado Sharaf ugu sameeyay deegaanka Jibigalle ee duleedka Garoowe, qaar ka mid ah Hoggaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garoowe.

Kulanka waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowladda, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamulka Puntland, Hoggaanka Dhaqanka, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin Dhismihii iyo illaalinta jiritaanka Puntland, wuxuuna kula dardaarmay inay halkaasi hore uga sii wadaan kana shaqeeyaan nabadgelyada, midnimada iyo horumarka Puntland.

Hoggaanka dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qado sharafta iyo is-xog-wareysiga, waxayna sheegeen in marwalba ay dhaqanku garab taagan yihiin dowladdooda, illaalinta nabadgelyada iyo horumarka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...