Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Labada Aqal ee BF Somaliya oo berri kulan xasaasi ah yeelanaya

Muqdisho (Halqaran.com) – Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, (Golaha Shacabka iyo Aqalka sare) ee dalka ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri oo tallaado ah yeeshaan kulan xasaasi ah oo arrimo muhiim ah looga hadli doono.

Wararka ay haleyso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in ajandaha kulankaasi  uu yahay meel marinta habraaca ansixinta dib u eegista dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya ayaa mareegta Halqaran.com u sheegay, in kulanka tallaada berri ah ay wada yeelan doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhammaan xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka maalinta berri ah, ayna waqti fiican ay xarunta yimaadaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...