Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

UPDATE: Kulamo Xasaasi ah oo Caawa ka socda magaalada Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay Caawa ka socda Kulamo u dhaxeeya Guddoomiyayaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta halkaasi gaarey iyo Madaxda Maamulka koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha Shacbaka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo Caawa ku sugan Madaxyooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kulan la leeyihiin Madaxweyne Cabdi-casiis laftagareen iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Somaliya Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo madax kale.

Kulamada ayaa waxaa ay inta badan uga hadlayaan sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen Baarlamaannada Soomaaliya iyo kan jabuuti, waxaana kulamada qeyb ka ah xubno ka tirsan golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.

Waxaa caawa aad loo adkeeyay ammaanka magalada Baydhabo, waxaana Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Jabuuti la filayaa inay ka qeyb-galaan kal-fadhiga 5aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed oo tallaadada berri ka furmaya Magalada Bydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...