Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

UPDATE: Gool-hayihii hore Xulka Qaranka Somaliya oo lagu dhex dilay Masjid, xilli uu Taraawiix tukanayay

Marxuum Cabdiwali Colaad Gaatimow

Afgooye (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in caawa degmada Afgooye lagu dilay, goolhayihii kooxda Banaadir iyo xulka Qaranka Cabdiwali Colaad Gaatimow.

Marxuumka ayaa la sheegaya, in uu Salaada Taraawiixda ku dukanayay masaajid ku yaallo Degmada Afgooye, waxaana gudaha Masaajidka ugu galay rag hubaysan oo rasaas ooda kaga qaaday.

Gaatimow, ayaa hadda wuxuu ahaa Guddoomiyaha Ciyaaraha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, sidoo kalena ciyaaryahan khabiir ku ah dhanka arrimaha Sportiga, si weynna dalka looga yaqaan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya, in kooxihii dilay Marxuumka ay ka baxsadeen Masaajidka dhexdiisa, kadib markii ay toogteen Marxuumka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...