Saturday, May 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Fatahaad hor-leh oo uu Wabiga Shabelle ka sameeyay deegaano ka tirsan Hirshabelle

Jowhar (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya, in wabiga Shabelle uu ku fatahay tuulooyin hoosyimaada magaalada.

Deegaannada uu wabiga ku fatahay waxaa ka mid ah, Kalluundi, Timire iyo Maangaay oo dhammaan ku teedsan jiinka Wabaiga Shabeelle.

Fatahaadda Wabiga ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn oo dalagyada nuucyadooda kala duwan ay ku yaalaan.

Yacquub Buule, wuxuu ka mid yahay Beer tacbatada ku nool Hareeraha Wabiga Shabeelle waxaa uu sheegay in 500 oo hectar oo ku taalla tuulada Kalluundi  biyaha ay dhex ceegaagaan, kuwaas oo ku beeran dalagyo kala duwan.

Maamulka gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegay in ay waddaan dadaallo looga hortagaayo in Wabiga uu kusii fataho deegaanno kale oo ka tirsan gobolka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...