J/Hoose (Halqaran.com) – Diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka ayaa duqaymo ka gaysteen saddex goobood oo ku yaala Gobolada Jubbooyinka, kuwaa oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Al-Shabaab.
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa duqeeyay xero lagu tababaro maleeshiyada Al-Shabaab oo ku taala Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa sidoo kale garaacay saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay Deegaanka Caanoole ee duleedka Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.
Diyaaradahan ayaa sidoo kale duqaymo la eegtay saldhig kale oo Al Shabaab ku leedahay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasoo la sheegay inay ku sugnaayeen Saraakiil Shabaabka ka tirsan.
Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, Qaybta Jubbaland ka hawlgasha, G/dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi ayaa sheegay in duqaynta lala eegtay saldhiga Al-Shabaab ee Degmada Jilib lagu qaarajiyay Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan, inkastoo aanu tiradooda iyo magacyadooda, midna sheegin.
Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa xusay in saddexda goobood ee la duqeeyay uu khasaaro xoogan ka soo gaaray mintidiinta Al Shabaab.
Duqaymahan ayaa waxay ku soo aadayaan maalin ka dib, markii ay Shabaabku weerar ismiidaamin ku bilowday ay ku galeen xerada Camp Simba ee Deegaanka Manda Bay ee Gobolka Xeebta Kenya.
Saldhigan ayaa waxaa si wadajira uga hawlgala Ciidamada Mareykanka iyo Ciidamada Kenya, kuwooda u tababaran la dagaalanka argagixisada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com