Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweynaha Hirshabelle ‘Waare‘ oo Kashifay arrin uu Khadka teleefanka kala kulmay Xasan Sheekh!

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle,  Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu ka hadlay safarkii Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ay ku tageen Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Mr Waare ayaa wuxuu sheegay in Garoonka Diyaaradaha Baledweyne 600 Mitir ka mid ah biyo ay fadhiyeen, islamarkaana diyaaradaha waaweyn halis ay ku ahaayeen inay ku dagtaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay in Hay‘addaha u xilsaaran duulista inay ku soo wargeliyeen arrintaasi, islamarkaana uu subixii Axadda wacay Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud uuna ku wargeliyay arrintaasi, balse Xasan Sheekh uu ku jawaabay in Waare uusan shaqo ku laheyn arrimaha duulimaadyada.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay safarkaasi Baledweyne ay ku tageen Madaxweynayaashii hore inuu ahaa mid qatar ah, maadaama diyaarada ay raaceen oo aheyd mid wayn Garoonkana uu qoyanaa 600 Mitir.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu subixii Axadda khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse uu si aan wanaagsaneyn ula hadlay ayna u sheegi rabeen waxa ka jira garoonka oo biyo ay fadhiyeen.

Isagoona intaasi ku sii daray, in ay la xisaabtamayaan duuliyihii waday diyaarada iyo shirkadaha iska leh diyaaradaasi, maadaama ay u bareereen qatar.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inuu beeninaayo wararka sheegaya in raadeerka diyaaradaha Garoonka Baledweyne la damiyay.

Wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ayaa si nabad ah ku gaareen Magaalada Baledweyne, walow saacado kooban maanta lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International ee magaalada Muqdisho.

Halka hoose ka dhageyso Shirka jaraa’id Madaxweyne Waare:

XOG: Shariif Sh. Axmed ‘‘Wallaahi waan ka bixineynaa DFS Muqdisho, haddii aysan dulmiga joojin”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...