Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

LAYAABKA DAAWO SAWIRO: Dal soo saaray Khamri loo bixiyay Somaliya & Suuqyada oo si caadi ah loogu iibinayo!

China (Halqaran.com) – Khamri loogu magac daray Soomaaliya ayaa lagu arkay suuqyada dalka Shiinaha, iyadoo si caadi ah looga iibinayo dadka isticmaala.

Khamrigan oo ay ku dul qoran tahay Soomaaliya oo far waa-wayn ku qoran ayaa laga heli karaa super marketyada waaweyn ee dalka Shiinaha, iyadoo lagu dhejiyay sicirka ay joogto.

Qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ee ku nool dalka Shiinaha ayaa baraha bulshada ku faafiyey muuqaallo ay ka soo qaadeen khamrigan oo yaalla goobaha ganacsiga.

XOG: Shariif Sh. Axmed ‘‘Wallaahi waan ka bixineynaa DFS Muqdisho, haddii aysan dulmiga joojin”

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha ay shirkadaha dalka shiinaha khamrigan ugu bixiyeen Soomaaliya, iyadoo la og yahay in Soomaalidu yihiin dad muslim ah oo neceb khamriga.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Shiinaha oo ka carooday arrintan ayaa ku tilmaamay xad gudub iyo magac dil lagu sameynayo magaca dalkeena hooyo, waxayna ugu baaqay Dowladda federaalka iney dabagal ku sameyso, sharciga caaalamiga ah la tiigsato shirkadaha shiinaha ee soo saara khamrigan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...