Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

UPDATE: Ciidanka DF Somaliya oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanno cusub oo ku yaalla…

Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya, in ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidanka DF Soomaaliya ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Deegaannada ay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen waxaa ka mid ah deegaanka Janaay Cabdalla oo 60 Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer degaankaan kala wareegay Al-Shabaab, waxaana ay Al-Shabaab kala wareegeen Sanadkii 2016-kii walow ay dib uga soo baxeen.

Sidoo kale, ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa shalay ka ruqaansaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose , waxaana ay u jahaysteen deegaanno ay joogaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in ciidanka maamulkiisa ay bilaabayaan howgallo Ururka Al-Shabaab looga xorreynayo deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...