Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Update: Booliska Soomaaliya oo shaaciyay cidda dishay Atooraha badda

Muqdisho (Halqaran.com) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheer (Atooraha badda) oo ka mid ahaa dadka sida weyn loogu yaqaano baraha bulshada.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa beeniyay in dilkaasi ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan, balse waxaa uu sheegay in uu dilay Atooraha badda nin saaxiibkiisa ah oo lagu magacaabo Leeflefow.

“Atooraha Badda Dilkiisa waxaa qirtay saaxiibkiis Leeleefoow oo muran lacageed uu soo kala dhex galay” ayuu yiri  afhayeenka ciidanka booliska oo warbaahinta la hadlay.

Wararka ay helayso Warbaahinta HalQaran News ayaa sheegaya, in ninkaan dilka geystay uu la shaqeyn jiray Atooraha badda, waxaana uu la jili jiray filimaanta, waxaana la sheegay in muran lacag dad muxsiniin ah ay soo direen oo dhan Lix kun oo dollar ay ku dagaallameen.

Allaha u naxariisto, Cismaan Salaad Daahir (Atooraha Badda)

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in kiiskaan uu marin habaabiyay ninkii dilka geystay, balse ugu dambeyntii uu qirtay haddana uu ku jiro gacanta hay’addaha Ammaanka.

Marxuum Cismaan Salaad Daahir (Atooraha Badda) ayaa ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dhallinyarada sida weyn looga garanayo caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa lagu xasuustaa marxuuka caawinta iyo u gar-gaaaridda dadka danyarta ah, baraha bulshadana ka soo muuqan jiray isagoo ku guda jira howlo samafal ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...