Muqdisho (Halqaran.com) – Mid ka mid ah darawalada mooto bajaajta ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu dilay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ee fadhigoodu yahay Isgoyska Ex Control Afgooye, ka dib markii uu ka shakiyay wadihii mooto bajaajta.
Wararka ayaa sheegaya in askariga uu darawalka ku amray in uu istaago, balse uu darawalku ka dhego adeegay. Tani ayaa keentay in askariga uu ka shakiyo ninkaasi, isla-markaana uu qaatay go’aanka uu ku rasaaseeyay.
Ciidamada kale ee ku sugan Isgoyska Ex Control Afgooye oo isu gadaamay mooto bajaajta ayaa baaritaan ku sameeyay, balse kama aanay helin wax amniga halis ku ah.
Ciidamada ayaa intaasi ka dib gacanta ku dhigay askarigii dilka gaystay, waxaana daqiiqado ka dib loo kaxeeyay Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID.
Ciidamada Booliska ayaa 2-dii bishii September xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ku rasaaseeyay nin dhalinyaro ahaa oo la socday mooto bajaaj, ka dib markii uu dhegaha ka fureystay in mootada uu joojiyo. Ninkaasi oo qarax ku waday mootada ayaa is qarxiyay, isaga oo qura ayaana ku dhintay.
Ciidamada Booliska ayaa xilligaa soo bandhigay dareys ciidan oo ay ka helayn mooto bajaajta, waxaana la bogaadiyay tallaabada ay kaga hortaggeen qaraxaasi.
Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Guddoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markaasi sheegay in falka laga hortagey ninkaasi uu muujinayo sida ay ciidamada uga feejigan yihiin dhagarta cadowga.
Bajaajleyda ka shaqaysa Magaalada Muqdisho oo xilliyada qaarkood waddooyinka ku mara bilaa nidaam ayaa soo dadajisa tallaabada lagu rasaaseeyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com