Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Al-Shabaab oo ku sii siqaya magaalada Guriceel & Wararkii ugu dambeeyay

Guriceel (Halqaran.com) – Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa gaaray deegaano hoos-tagga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, maalin uun ka dib markii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Somaliya.

Ciidamada Dowladda oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa Axadii bilaa dagaal kula wareegay Magaalada Guriceel, saacado yar uun ka dib markii ay isaga baxeen Xoogaga Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa xalay lagu arkay Deegaanada Waradhuumale iyo Dhagaxyaale ee duleedka Magaalada Guriceel. Tani ayaa timid markii ay deegaanadaasi baneeyeen Xoogaga Ahlu Sunna.

Ilaa iyo hadda ma cadda in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku wajahan yihiin Magaalada Guriceel iyo in kale.

Ahlu Sunada Galmudug oo khilaaf toddobaadyadii la soo dhaafay soo jiitamaayay kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya ayaa waxaa Axadii gacanteeda ka baxay Magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan. Ciidamada Dowladda ayaana bilaa dagaal kula wareegay magaalooyinkaasi.

Ahlu Sunada Galmudug ayaa ahayd awood muuqato oo qaybo ka mid ah Gobolada Dhexe ka caabineysay Shabaabka hubeysan ee dagaalka kula jira Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Si kastaba, maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay ka faa’iideystaan khilaafka xilligan Ahlu Sunada Gobolada Dhexe kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...