Garoonka diyaaradaha Baledweyne oo xirmay & Xaaladihii ugu dambeeyay

Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif

Baledweyne (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya, in uu xirmay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baledweyne.

Waxaa sabab u noqday inuu xirmo garoonka roobab xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da‘ay Magaalada Baledweyne.

Garoonka diyaaradaha Baledweyne waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dagaayay diyaarado gargaar sida kuwaasi oo ka ambabaxaayay Muqdisho, balse sida muuqata wax diyaarad ah kama dagi karto Garoonka.

Gagida diyaarada ay ku dagto ayaa waxaa la soo sheegayaa inay fadhiyaan biyo, taasi oo aan suuragal ka dhigeyn in diyaarada ay ku dagto.

Wararka ayaa sheegaya, in saacadihii la soo dhaafay Magaalada Baledweyne oo ka da‘een roob badan ayaa haddana Gargaarkii dadka loogu geeyay gaadiidka ayaa qaybintiisa wali ka socota Magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com