Saturday, June 13, 2026
27.6 C
Mogadishu

Kullan dhaxmaray Safiirka Shiinaha iyo Wasiir Dowlaha Wasaarada waxbarashada Soomaliya

Muqdisho (Halqaran.com)- Wasiir dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabduulle Jaabir, ayaa Maanta kullan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya soomaliya.

Kullankaan ayaa intii uu socday waxa ay kawada hadleen labada masuul xoojinta xariirka labada Dall iyo kor u qaadista Mashaariicda Hormarineed iyo Deeqaha waxbarasho ay ka hesho Soomaaliya Dalkaasi Shiinaha .

waxaa kale oo la isla soo qaaday sidii la iskaga kaashan lahaa Dib dhiska iyo Tayeenta waxbarashada sare ee Soomaaliya.

” Waxaan maanta kulan la qaatay Safiirka dalka shiinaha u fadhiya Soomaaliya, waxaana kawada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista taageerada waxbarasho ay dalkeena ay siiyaan”ayuu yiri Cabduulle Jaabir .

Ugu dambeyntii Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Xukuummadda Federaalka Soomaaaliya ayaa ugu mahadceliyay safiirka shiinaha iyo dowladda deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...